Somali News

Koox hubeysan oo askar ku dishay Afgooye.

Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa goordhow bartamaha suuqa weyn ee degmada Afgooye waxaa ay ku dileen labo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda soomaaliya iyo labo ruux oo dumar ah.


Kooxda dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsadey, waxaana halkaasi gaaray ciidamo dowladda ka tirsan, waxaa ayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano.

Ma jirto weli wax war ah oo ka soo baxay booliska Soomaaliya.

Degmada Afgooye ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilalka noocan oo kale ah.