Somali News

Koox hubeysan oo dad isku qoys ah ku dilay Afghanistan

Sideed qof oo isku qoys ah ayaa ladilay, ka dib markii ay weerareen koox aan la garaneyn oo ay ku rasaaseeyeen masaajid ku yaal bariga gobolka Nangarhar ee Afghanistan.

Toogashada ayaa ka dhacday habeenimadii Sabtida magaalada Jalalabad. Sida laga soo xigtay Gudoomiyaha Gobolka Nangarhar Ziaulhaq Amarkhil, dilka ayaa u muuqata mid salka ku haya muran dhul.

Shan walaalo ah iyo saddex ka mid ah wiilasha ay ilma adeerka ahaayeen ayaa la dilay.

Isku dhacyada la xiriira khilaafaadka dhulka ayaa muddo sanado ah ka socda guud ahaan wadanka Afghanistan.