Somali News

Koox hubeysan oo dil iyo dhaawac ka geystay Xaafad ka tirsan Muqdisho

Muqdisho-KNN-Wararka aan ka helaayo xafada Suuqa Xoolaha degmada Hiliwaa Gobalka Banaadir ayaa waxay sheegayaan in halkas galabta lagu dilay labo Wiil oo dhilinyaro ah halka mid kalana lagu dhaawacay.

labada wiil ee la dilay ayaa dadka deegaanka waxay nogu sheegeen in ay halka lagu dilay ku lahayeen goobo ganacsi, halka kan la dhaawacayna uu goobta marayey waxaana la sheegay in ruux la dhaawacay uu dhimirka la’aay.

Labada Wiil ee la dilay mid ka mid ah waxaa naloo xaqiijiyay in ay dhashay Haweeney lagu magacaabi jiray Deeqo Dirac, taas oo ku dhex geeriyootay Xabsiga dhexe ee Xamar, kadib markii ay Maxkamadi ku xukuntay 15-sano oo Xabsi ah, iyadoo Maxkamaddu sheegtay in ay ka tirsaneed Al-Shabaab.

Rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa la sheegay in ay toogteen labadaas Wiil, sidoo kalana ay dhaawac u geysteen wiil kale, dilka kadib ayeyna goobta iskaga baxsadeen goobta.