Somali News

Koox hubeysan oo goordhow qof shacab ah ku dilay Afgooye.

Afgooye-KNN-Koox hubeysan ayaa goordhow xaafada waanjeel oo ka tirsan degmada Afgooye waxaa ay ku dileen qof shacab ahaa oo ka mid ah dadka deegaanka.


Marxuumka la diley ayaa lagu magacaabi jirey Cumar Teeste waxaana lagu hor diley masaajid uu xiligaasi salaada cishaha Ka soo baxay.

Lamana oga sababta dilkiisa ka dambeysa.

kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsadey.

Ciidamada amaanka ayaa caawa baaritaano ka wado goobta uu dilka ka dhacay.