Somali News

Koox hubeysan oo sarkaal Ku dilay Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in gudaha magaaladaasi lagu diley sarkaal ka tirsanaa ciidamada Taraafikada ee Puntland.

Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cumar Iley, waxaana dilkiisa ka dambeeyey koox hubeysan, waxaana lagu dilay isgoyska Gaaco oo ah meel wax yar u jirta xarunta dowladda hoose ee Boosaaso.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ragii ka dambeeyey dilkiisa ay goobta ka baxsadeen isla markaasna sarkaalka maydkiisa goobtaasi ay ka qaadeen askar kale oo goobta tagay

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ayaa durbadiiba bilaabay baaritaano, kaasi oo ku aadan sidii gacanta looga soo dhigi lahaa cidii ka dambaysay dilka sarkaalka