Somali News

Ku dhawaad 20 ruux oo ku dhimatay shil kale oo ka dhacay dalka Iran.

Ugu yaraan 20 ruux ayaa laxaqiijiyay in ay dhinteen halka 24 ruux oo kalana ay dhaawacmeen kadib shil gaari oo ka dhacay gudaha dalka Iran, sida ay ku waramayaan warbaahinta dalkaasi.

Gaarigan ayaa lasheegay markii uu shilka galayay in uu kusii jeeday gobolka Gonbad isagoona ka baxay caasimada dalkaasi ee Tehran.

Muuqaalo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay gaariga oo dhinac u yaalo bur bur xooganna uu ka muuqdo.

Shilkan qasaaraha gaystay ayaana kusoo beegmaya maalin uun kadib markii meel u dhaw garoonka caalimaga ah ee magaalada Tehran ay ku burburtay diyaarad siday inkabadan 170 ruux oo rakaab ah, kuwaas oo dhamaantood laxaqiijiyay in ay dhinteen.