Somali News

Ku simaha R/wasaaraha dalka oo daahfuray Machadka Daraasaadka Amniga dalka

Muqdisho-KNN-Ku simaha raysal wasaaraha Soomaaliya ahna raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa xariga ka jaray machadka sare ee Daraasaadka Amniga oo ah hay’ad tacliin sare oo dawlada Soomaaliya ay leedahay.

Ujeeddada machadka loo aasaasay ayaa ah kobcinta heerka aqooneed, midka xirfadeed, ogaalka xubnaha laamaha amniga ee dawladda, iyo in hoggaanka sare ee dalku ay helaan talo bixin iyo gorfeyn cilmiyeysan oo ku saabsan amniga Qaranka.

Mahdi Maxamed Guuleed, waxuu sheegay in furitaanka machadkaan ay ka dhigantahay tallaabo weyn oo loo qaaday hagaajinta amniga dalka.

Xarig ka jaridda xaruntan ayaa waxaa ku wehliyay siihayaha raysal wasaaraha ahna ku xigeenka raysal wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed Khadar masuuliyiin dawlada Soomaaliya.