Somali News

Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay abaarta ka jirta deegaanada KGS

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud safarka uu maanta ku tagay Magaalada Baydhabo, waxaa wafdigii uu hoggaaminayay qeyb ka ahaa Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Adam Abdelmoula iyo Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u Qaabilsan Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kuwaas oo iyana halkaas u aaday ukuur gelida xaaladda abaareed ee ka taagan deegaano ka tirsan DG Koofur Galbeed.

Qoraal kooban uu soo saaray Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Adam Abdelmoula ayuu ku sheegay in uu ku faraxsan yahay in maanta uu gaaro Baydhabo iyadoo uu la socdo Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u Qaabilsan Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur, isagoo yiri “si  aan u muujino sida ay xaaladdu u liidato”.

“iyadoo khatarta  loogu jiro macluusha ay sii kordhayso, Qaramada Midoobay iyo hay’adaha la shaqeeya waxa ay bixinayaan dadaal xooggan,”ayuu yiri Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay dhaqaale badan si looga hortago in xaaladdu ka sii darto, Isagoo  hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo in ay helaan dadkaasi kaalmada bini’aadantinimo ee ay u baahan yihiin si ay u noolaadaan. 

Sidoo kale,  Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay,ayaa tilmaamay in deegaanada Koofur Galbeed ay si weyn u saameysay abaarta Soomaaliya ka jirta, waxa uu  xusay in marka la fiiriyo xaalada quusta ah ee ay ku sugan yihiin dad badan oo Soomaaliyeed oo barakacayaal ah ay  sii xumaaneyso.

“Ka dib afar xilli roobaad oo xiriir ah Soomaaliya waxay hadda halis ugu jirtaa in ay gasho xilli roobaadkii shanaad oo roob la’aan ah kaas oo ah mid aan horay loo arag, keentayna khatarta macaluul ay malaayiin Soomaaliyeed ay wajihi karaan. Tan lama ogolaan karo in ay dhacdo; Wax badan ayaa loo baahan yahay in la sameeyo si loo caawiyo dadkaa hadda,” ayuu haddalkiisa sii raaciyey Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, Adam Abdelmoula.

Hadalka ku-xigeeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Adam Abdelmoula ayaa kusoo aadaya, xili deegaano badan oo ka tirsan Koofur galbeed laga soo sheegayo abaar ba’an oo ka taagan, taas oo ay dad badan u geeriyoodeen, waxaana jira tiro kale oo la daala dhacaya xaalad bini’aadanimo oo heysato.