Somali News

Ku-xigeenka W/Gaashaandhigga iyo Taliyaasha Ciidamada oo kormeeray Xeryo Ciidan

Gaalkacyo-KNN-Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Taliyaasha Ciidanka Qalabka Sida ayaa maanta kormeeray xeryaha Ciidamada ee ku yaala Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Xarunta Bangiga ee magaalada Gaalkacyo ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga S/Gaas Daahir Aadan IndhaQarshe waxa uu kula hadlay Boqolaal Askari oo ka tirsan Ururka Qaybta 21aad ee Xoogga dalka, waxa uuna taliyuhu Ciidamada kula dardaarmay in ay u diyaar garoobaan  xoreynta deegaanada ka maqan gacanta dowladda, isoo ku amaanay sida ay ugu diyaarsanyihiin ka hortahga kooxaha kasoo horjeeda dowladda una nabadeeyeen deegaanada ay ka howlgalaan.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa isumartay xeryaha  Ciidanka Booliiska Gaalkacyo,  Xarunta Ciidanka Daraawiishta Galmudug, Xabsiga dhexe ee Gaalkacyo iyo Xarunta Ciidanka Asluubta ee Magaaladda Gaalkacyo.

Taliyaasha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay kusugnaay deegaanada maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay halkaas u joogaan sidii loo qaramey lahaa Ciidamada ku kala sugan magaalooyinka deegaanada maamulka  Galmudug, waxeyna haatan ku suganyihiin magaalada Gaalkacyo ee xunta Gobolka Mudug.