Somali News

Kulamo caawa ka socda Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa hoyga uu ka daganyahay Magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Madaxweynaha Galmudug Md Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo uu martida u yahay.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa safar shaqo ku soo gaaray magaalada Dhuusamareeb maalintii shalay, halkaas oo uu uga qeybgalayo Shirka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Labada masuul ayaa kulankooda ugu hadlay arimaha doorashooyinka iyo sidii loo xalin lahaa ismari waagga ka taagan doorashooyinka.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa caawa waxaa ka soconaya kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayaan madaxda ku sugan magaaladaasi.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee lagu furayo shirka ayaa ka soconaysa magaalada Dhuusamareeb