Somali News

Kulan caawa Villa Somalia ku dhex maray Farmaajo iyo guddoonka golaha shacabka

Muqdisho-KNN-Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal kooban ka soo saartay kulan caawa uu maadxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xafiiskiisa kula yeeshay guddoonka golaha shacabka.

Guddoomiye Maxamed Mursal iyo labadiisa ku-xigeen Cabdiwali Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad ayaa qoraalkan lagu sheegay inuu madaxweynuhu kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa wadahadallo ku saabsan xaaladaha dalka ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka, waxayna diiradda saareen sidii doorasho ay dalka uga dhici lahayd,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo hadda ka soo baxay Villa Somalia.