Somali News

Kulan deg deg oo caawa ka socda hoyga uu Sheekh Shariif ka degan yahay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Waxaa hoyga uu Muqdisho ka daganyahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ka socda kulan looga hadlayo go’aankii maanta Kismaayo looga celiyay Shiikh Shariif.

Waxaa kulanka uu u dhaxeeyaa madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh ,xubo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale.

Waxaa kulankan ka horeeyay mid kale oo dhex maray Shiikh Shariif iyo xubno ka socday xukuumadda uuna horkacayay wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow sida ay KNN u sheegeen dad si dhaw ula shaqeeya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Sheekh Sharif ayaa maanta laga celiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho, isagoo Ku sii jeeday Magaalada Kismaayo, si uu uga qeyb galo caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islam( Axmed Madoobe).