Somali News

Kumanaan Xoolo nool ah oo maanta laga dhoofiyey Kismaayo

Kismaayo-KNN-Ku dhowaad Seddax kun oo neef oo Lo’ ah ayaa maanta laga dhoofiyey Dekedda magaalada Kismaayo, taasi oo laga kala keenay deegaanada maamulka Jubbaland, waxaana la sheegay in baaritaan caafimaad lagu marsiiyey maxjarka xoolaha ee magaalada Kismaayo.

Lo’daas maanta laga dhoofiyey Kismaayo ayaa la sheegay in loo iibgaynayo dalka Yemen, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jubbaland iyo Ganacstada magaalada Kismaayo, ayaa sheegay in ay iska kaashadeen, sidii loo suuq geyn lahaa xoolaha deegaanada Jubbaland.

Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha ee Wasaaradda Xanaanada xoolaha Jubbaland iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaas oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sharraxaad ka bixiyey baaritaanada la mariyey xoolihii maanta laga dhoofiyey Kismaayo iyo ahmiyadda ay u leedahay dhaqaalaha maamulka iyo shacabka ku nool deegaanada maamulka Jubbaland.