Somali News

Laamaha Amniga oo faah faahin ka bixiyay qaraxyo ka dhacay Suuqa Bakaaraha

Hay’addaha Amniga ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxyo laga maqlay gudaha Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in baaris ay sameeyeen ka dib lagu ogaaday in qaraxyo la dhigay xarruumo ganacsi oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay dad shacab ah ku noqdeen, isaga oo weerarka ku eedeyay kooxaha Argagaxisada.