Somali News

Labada gole ee Baarlamaanka Federaalka oo meel mariyay wax ka badalka Dastuurka KMG

Baarlamaanka Soomaaliya Labadiisa Aqal ayaa meel mariyey Habraaca Wax ka badalka Dastuurka dalka kaasi oo dood badan ka taagnaa Saacadihii la soo dhaafay.

180 Xildhibaan ayaa ogolaaday meel marintaan halka ay diideen 30 Xildhibaan sida uu shaaciyay guddoonka golaha.

Meel marintaan ayaa waxaa ka dhur sugayay Shacabka Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiin kuwaa oo qeybtood taageersanaa halka qeyb kalena ay diidanaayeen.

Ka hor meel marinta Habraaca Dastuurka ayaa gudaha Xarunta Golaha Shacabka waxaa ka dhacay buuq xooggan kaa oo Xildhibaannada qaar sameeyeen islamarkaana ay ku diidayeen meel marinta Dastuurka.