Somali News

Lafta gareen iyo Qoor qoor oo caawa kulan ku yeeshay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa caawa hoyga uu ka degenyahay Dhusamareeb booqasho ugu tagay Madaxweynaha Koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis Laftagareen.

Madaxweyne Laftagareen ayaa qeyb ka ah madaxda ku madlan shirka dhawaan la filayo inuu ka furmo magaalada Dhusamareb ee u dhaxeeya madaxda DFS, DX ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Labada masuul ayaa kulankooda ugu hadlay arimaha doorashooyinka iyo sidii loo xalin lahaa ismari waagga ka taagan doorashooyinka.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa caawa waxaa ka soconaya kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayaan madaxda ku sugan magaaladaasi.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee lagu furayo shirka ayaa ka soconaysa magaalada Dhuusamareeb