Somali News

Lafta gareen iyo Waare oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynayaasha maamulada  Hirshabelle iyo Koofur Galbeed  Dr Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdicasiis Laftagareen ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, kaddib shirka iskaashiga Maamulada Hirshabelle Iyo Koonfur Galbeed oo Baydhabo ay ka wada qeyb galeen labada madaxweyne.

Wafdiga labada Madaxweyne ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhawaan ayay aheyd markii shir looga hadlayay horumarinta maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabelle, kaasi oo door weyn ay ka qaadatay safiiro ka socda Wadamada Midowga Yurub.

Madaxweyne laftagareen ayaa Maamulka Hir-Shabeelle iyo Xubnaha wafdiga Midowga Yurub uga mahad celiyey doorka weyn oo ay ku leeyihiin shirkaan,isaga oo sheegay in la xoojin doono wada-shaqeynta dhinaca amniga iyo horumarka ee labada maamul.