Somali News

Lafta gareen oo dib ugu laabtay Baydhabo, kadib markii uu ka qeyb galay shirkii Dhuusamareeb 3

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, kadib markii uu ka qeyb galay shirkii Dhuusamareeb 3.

Wafdiga madaxweynaha ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaraha ee magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Shirkii Dhuusamareeb Seddax ee maalmo ka hor la soo gabagabeeyay ayaa waxaa laga soo saarey warmurtiyeed ku aaddan nooca doorasho ee la qaadanayo.

Noocan doorasho ee ay dhinacyadu isku raaceen ayaa ka duwan tii hore madaxweynuhu u doonayey oo aheyd qof iyo cod.

Dhinacyada shirka, oo ay ka maqnaayeen maamullada Jubbaland iyo Puntlad, ayaa isku raacay qabashada doorasho loogu magac daray deegaanka doorasho, oo aan aheyn doorasho qof iyo cod