Somali News

Lafta Gareen oo saraakiisha ciidanka kala hadlay sidii go’doonka looga qaadi lahaa Xudur

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa degmada Xudur kulan kula qaatay saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya.

Kulan ayaa waxaa looga hadlayey Dar-Dar gelinta Xaqiijinta Amniga iyo Dib ufurida Wadooyinka ay go,doomiyeen Alshabaab ee Gobolka Bakool.

Kulanka Waxaa sido kale ka qeybgalay Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha Dowlada Federaalka Mudane Aadan Abdinaasir Maxamed Wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Lataliyaha Madaxweynaha Arimaha Siyaasada Mudane Aadan Maxamed Nuur (Soron-Soor) iyo Taliyaha Qeybta 60aad CXD General Maxamed Sheikh Cabdullahi Ciirow.