Somali News

Libya oo dib u furtay goob shidaal oo muhiim ah kadib heshiis dhacay

Tripoli-KNN-Shirkadda shidaalka dalka Libya ayaa ku dhawaaqday inay dib u furtay goobtii ugu dambeysay ee shidaalka ee gacanteeda ku jirtay, maalmo kaddib markii kooxaha dagaalka kula jira dowladda ay oggolaadeen xabbad-joojin.

Shirkadda ayaa sheegtay inay cunaqabateynta ka qaadday El-Feel – taas oo micnaheedu yahay inay soo afjartay dhammaan cunaqabateyntii muddo bilooyin ah saarneyd goobaha shidaalka iyo dekadaha oo ay hore u saareen ciidamada daacadda u ah Khalifa Haftar – taliyaha milatariga ee saldhiggiisu yahay bariga Libya.

Ciidamada janaraal Haftar ayaa xayiraad ku soo rogay goobaha shidaalka Libya bishii January xilligii ay weli gacanta ku hayeen magaalada caasimadda ah, ee Tripoli, balse waxay bishii September ayay oggolaadeen inay ka qadaaan. Dhaqaalaha Libya wuxuu ku tiirsan yahay shidaalka.