Somali News

Liibiya oo balan qaad u sameesay Muhaajiriinta ku Xiran Dalkaas

Muqdisho-KNN-Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka liibiya, Fatxi Bashagaayaa sheegay inay Dowladiisa ka baaraan degayso sidii loo xiri lahaa Xarumaha lagu hayo Muhaajiriinta, sababo la xiriira Ammaankooda, kadib weerarkii ka dhacay Xeradda Tajoora ee lagu dilay, laguna dhaawacay Muhaajiriin fara badan.

Wasiirka waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu la kulmay Xiriiriyaha QM ee Arrimaha Samafalka Maria Ribeyro, wuxuuna Wasiirku ku baaqay in Muhaajiriinta kuwooda nugul dib u dejin loogu sameeyo dalal Seddaxaad, maadaama Ammaanka Liibiya uu haatan yahay mid aad u liita.

Golaha oo xalay kulan kale yeeshay waxay cambaareeyeen duqeyntii Diyaaradaha ee lala beegsaday Xarunta lagu hayo Muhaajiriinta ee Tujuura, taas oo ku taala  Bariga caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli.