Somali News

M/weyne ku-xigeenka Puntland oo gaaray Qardho

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo maanta tagay Magaalada Qardho ee Gobolka Bari ayaa ka hadlay ujeedka safarkiisa ee halkaas.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in Safarka uu ku tagay magaalada Qardho uu daaran yahay mid shaqo oo uu kormeer ku sameenayay xaaladaha abaarta iyo   Nabadgalyada magaaladaas.

Madaxweyne ku-xigeenka wuxuu sheegay in Magaalada Qardho uu sii joogo doono illaa caawa, isagoo xusay in uu kulamo la qaadan doono Odayaasha dhaqanta, Mas’uuliyiinta gobolka iyo kan degmada Qardho.

Sidoo kale, warar ayaa sheegaya in Axmed Karaash uu sii gudbi doono Magaalada Boosaaso, isagoo halkaas kulamo la yeelan doonaa mas’uuliyiinta mas’uuliyiintaiyo shacabka Boosaaso magaaladaas.