Somali News

Maalinta koowaad ee ciidda oo maanta laga ciidayo magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb-KNN-Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in ay maanta magaalada ka socdaan dabaal degyada Ciidda maalinta koowaad, iyadoo xalay maamulka magaalada uu ku dhawaaqay in maanta oo Arbaco ah ay tahay maalinta koowaad ee Ciidda.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo mas’uuliyiin kale oo maamulka ka tirsan ayaa salaadda Ciidda la dukaday Boqolaal dadweyne ah gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Inta badan gobollada Dhexe ee dalka ayaa ah deegaanada laga khilaafo maalmaha ciidda iyo Soonka oo aanay gobolada kale ee dalka la siineen ciidda iyo soonkaba.