Somali News

Maalintii labaad oo laga ciidayo caalamka & Soomaaliya

Waxaa maalintii 2-aad si weyn looga ciidayaa Munaasabadda Ciidul Fidriga guud ahaan dalalka Islmaamla oo ay ku jirto Soomaaliya, xili shalay ay ku beegneyd maalinka 1-aad ee Ciidaas.

Si isku mid ah waxaa looga ciidayaa Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka, waxaana lagu arkayaa Dhalinyaro badan oo si qurux badan u labisan  kuwaas oo raxan raxan u socda.

Sidoo kale, goobaha loo dalxiis tago ee Magaalada Muqdisho waxaa ugu sii qul qulaya dadweyne kale duwan oo iskugu Waalidiin, Caruur iyo dhalinyaro haween iyo rag leh kuwaas oo halkaas ku gala sawirro xasuus ah.

Madaxda dowladda Soomaaliya iyo Madaxda dowladda goboleedyada ayaa hambalyo u diray guud ahaan umadda muslimkaa si gaar ah shacabka Soomaaliyeed oo maalintii 2-aad u dabaal degaya munaasabadda Ciidul Fidriga.

Goobaha ay u damaashaad tagayaan dadweynaha iyo waddooyinka magaalada Muqdisho waxaa lagu arkayaa Ciidamo badan oo booliis ah  kuwaas oo ka shaqeynaya sugida ammaanka guud.