Somali News

Maamulka G/Nuugaal oo soo saaray amar ku saabsan shirarka

Garowe-KNN-Amar ka soobaxay Maamulka Gobolka Nugaal ayaa lagu sheegay in shir uusan ka war qabin aan lagu qaba karin Hotelada iyo Xarumaha kale ee magaalada Garowe, iyadoo aan ogolaansho laga heysan maamulka Gobolka.

Warqad ku taariikheysan lixda May oo ka soo baxday xaafiiska Guddomiye ku xigeenka gobolka Nugaal ayaa Taliska Booliska gobolka waxaa lagu farin cidii u hoggaansami weysa amarka maamulka in talaabo ay ka qaadaan.

Xalay ayaa maamulka Puntland waxa uu joojiyay kulan dad weyne oo Garowe ay iskugu imaan lahaayeen dhalinyarada deegaanada Puntland iyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana la sheegay in arintaasi ay salka ku heyso khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe oo xalkiisa hada loo fadhiyo.

Halkaan ka Akhriso:-