Somali News

Maamulka Galmudug oo balanqaad u sameeyay ganacsatadii goobihii ganacsi ee maanta gubtay

Muqdisho-KNN-Madaxweyne kuxigeenka maamulka Galmudug Cali Dahir Ciid ayaa soo kormeeray xarumo ganacsi oo ku gubtay dab barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Dhusamareeb ee Galmudug.

 Waxa uu tilmaamay Cali Dahir Ciid Madaxweyne kuxigeenka maamulka Galmudug in madaxda maamulka Galmudug ay aad uga xun yihiin khasaaraha soo gaaray ganacsadii iska lahayd goobihii maanta dabka ku bas beelay.

Waxa uu sheegay in Lacag dhan 22,000 oo Dollar ugu deeqday Galmudug Gudiga ganacsatada ee ku howlan so iibinta Gadiidka Dab damiska oo ay yeelaato Magaalada Dhusamareeb, isagoo intaa ku daray in canshuur dhaaf loo sameyn doono.

Sido kale Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa ganacsatada  Galmudug gaar ahaan kuwa Dhusamareeb ugu baqay in loo gurmado ganacsatadii maanta hantidooda ku waayay dabkii maanta Dhuusamareeb ka kacay.

Kormeerkii manta u Madaxweyne kuxigeenka ku tagay  goobtii u dabku ka kacay, ayaa  waxaa ku weheliyay Wasiirka Cadaalada, Wasiir kuxigeenka Maaliyada iyo Wasiir kuxigeenka Shaqada iyo arimaha Bulshada iyo Maamulka Caasimadda Dhusamareeb.

Deegaannada maamulka Galmudug ayaa bilihii u dambeeyay waxaa ku soo badanayay dabka siyaabaha kala duwan uga kacayay,waxaase dhibta ugu weyn ay ka jirtaa gaadiidka bixiya adeegga gargaarka deg degga ah ee Dab-damiska oo aysan lahayn, taas oo inta badan sababta in ay kordhaan khasaaraha dabku gaytso.