Somali News

(Sawirro)Maamulka Gobalka Banaadir iyo kaluumeysatada oo kulan ku yeeshay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Gudoomiyaha Gobalka banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya  Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad ayaa maanta waxaa ay kulan la qateen Gudigga iskaashatada Kaluumeysiga Gobalka Banaadir.

 Waxaa ayna ka wadahadleen Sidii loo dhameyn lahaa muranka ka dhashay Ganacsato sheegay in loo diiday in ay ka shaqeystaan Kawaanka kaluunka ee ku yaala xeebta degmada Cabdi Casiis ee Gobalka banaadir.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa waxaa ay ka dalbadeen ganacsatada in ay ilaaliyaan Nafaada Xeebta, islamarkaana ay u ogolyihiin in ay goobtooda ay ku ganacsadaan.

Gudoomiyaha Gudiga iskaashatada kaluumeysata Gobalka Banaadir ayaa waxaa uu sheegay in Maamulka Gobalka Banaadir iyo Taliyaha Ciidanka Booliska ay isku afgarteen in ay ilaaliyaan Nadaafada Xeebta liido ee Magaalada Muqdisho.

Labadii maalin ayay aheyd markii Qaar ka mid ah Ganacsatada ka kaluunka ku iibiya Xeebta Liido ay Banaanbax ka dhigeen Magaalada Muqdisho, iyagoo ku cabanayay ciidamo boolis ah oo shaqada ka joojiyay.

Halkan ka daawo Sawirada