Somali News

Maamulka Gobalka Banaadir oo abaal mariyay Guuleystayaasha Tartankii degmooyinka ee KNN

Muqdisho-KNN-Xaflad lagu abaal marinayay degmooyinka kaalmaha hore ka galay barnaamijka Taariikhda dalka iyo tartanka Ramadaan oo ay qabato Idaacadda Kulmiye ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Tartanka ayaa waxaa taabageliyay maamulka Gobalka Banaadir, iyadoona ay xusid mudan tahay in su’aalaha uu soo diyaariyay dugsiga  Banaadir zone.

Xafladan ayaa waxaa maanta ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Banaadir, xubno ka socday golaha wasiirrada ee xuukuumadda soomaaliya degmooyinka guuleystay iyo marti sharaf kale.

Barnaamijka Taariikhda dalka iyo tartanka Ramdaan ee Idaacadda Kulmiye ay qabato  ayaa waxaa kaalinta koowaad ka gelay degmada Deyniile oo abaal marin ahaan u heshay 45 milyan oo shilin soomaali ah, halka kaalinta labaad ay gashay degmada Yaaqshiid oo heshay 35 milyan oo shilin soomaali ah, waxaana  kaalinta sadexaad gashay  degmada Xamar Jajab, waxaa ayna heshay lacag gaaraysa 25 milyan oo shilin soomaali ah.

Waxaana degmada ugu wanaagsan ee tartanka inta uu socday loo aqoonsaday degmada Wadajir.

Halkan ka Daawo Muuqaalada.