Somali News

Maamulka Gobolka oo soo ban dhigay Burcad iyo Hubkoodii

Muqdisho-KNN-Maamulka Gobolka Banaadir, Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya & Mas’uuliyiin kale, ayaa Maanta Saldhiga Galbeed ee degmada Dharkeenleey waxaa ay kusoo bandhigeen, Lix ruux oo lagu eedeeyay inay ahaayeen Burcad iyo hub ay wateen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Ragaas lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay Magaalada Muqdisho, waxaana Maamulka gobolka Banaadir uu hubka iyo Ragii lasoo qabtayba ku wareejiyay Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in mamulka gobolku uu dagaal iyo daba gal xoogan ku hayo kooxaha Burcadda ah ee dadka ku dhibaateeya gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in maamulka iyo hey’adaha Amnigu ay talaabo ka qaadi doonaan, sidoo kalana qofkii ka daba yimaada ruux lagu soo qabtay falal amniga liddi ku ah ay isagana u aqoonsa doonaan Burcad kalkaal.