Somali News

Maamulka Koofur Galbeed oo maamul cusub u magacaabay Baydhabo

Baydhabo-KNN-Wareegto ka soo baxay xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa xilkii waxaa laga qaaday Gudodomiyihii degmada Baydhabo iyo kuxigeenadiisa.

Wasiirka ayaa wareegtada ku magacaabay masuuliyiinta Cusub degmada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Wareegtada ayaa lagu Magacaabay Guodoomiyaha degmada Baydhabo, Saddex kuxigeen iyo Xoghaya degmada,kuwaas oo bedelaya Maamulkii xilka qaadista lagu sameeyay.