Somali News

Maamulka Wanla-wayn oo ka cabanaya Afduub dad shacab ah loo geestay.

Wanla-wayn-KNN-Guddoomiyaha degmada Wana-wayne ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in afduubka dadweynaha uu ka bilaawday wadada isku xerta Afgooye iyo Wanla-Wayn ee Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka gaadiidka lagala dago kadibna loo kaxeysto dhulka keynta ah. Kooxdaan ayaa dadweynaha weydiista lacag boqolaal doolar ah hadii loo soo dirana waxaa la sheegay iney sii daayaan dadka ay afduubtaan.

Arintaan ayaa mashaakil kale ka Abuureysa xaaladda gobolka Shabeelaha Hoose. Hore ayaa aad looga caban jiray dhac, Kufsi iyo dhibaatooyin kale oo rag soo xirta dharka tuutaha ee milateriga Soomaaliya kuwaas sanado badan dagan wadadaasi.