Somali News

Maamulkii degmada Wanla-wayn oo xil ka qaadis lagu sameeyay

Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Koofur galbeed, ayaa maamulka cusub loogu magacaabay degmada Walaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ismail Abukar Mohamed ayaa loo magacaabay guddoomiyaha Degmada.

Yaxye Qaasim Abdullahi waxaa loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada.

Abdiqani Mohamed Hassan waxaa loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda.

Degmada Wanla-wayn ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka taagnaa xiisad dagaal oo u dhaxeysay guddoomiyihii hore ee degmada iyo ku-xigeenkii maaliyadda, taasi oo dhalisay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Hoos ka akhriso wareegtada.