Somali News

Madaafiic lagu garaacay Xalane iyo qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Muqdisho-KNN-Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in tiro madaafiic ah lagu garaacay Xaafada Xalane ee degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in illaa shan madfac ay ku dhaceen gudaha degmada Wadajir gaar ahaan agagaarka xerada Xalane halkaasi oo ay ku taalo safaarada Maraykanka isla markaana ay saldhigyo muhiim ah ay ku leeyihiin ciidamada AMISOM.

Lama oga khasaaraha ka dhashay ka dhashay madaafiicda lagu tuuray Xerada Xalane ee degmada Wadajir.

Intaa kadib ciidamada booliska ayaa baaritaano u aaday deegaanka Garasbaaley ee duleedka muqdisho, kadib markii ay heleen xog ah in madaafiicda laga soo tuuray deegaankaasi.

Ciidamada amaanka ayaa la sheegay in qarax miino lagula deegaanka Garasbaaley.

Sedex askari ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen.