Somali News

Madasha xisbiyada qaran oo war ka soo saaray shirkii Dhuusamareeb 3

Waesaxaafadeed ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa lagu soo dhoweeyay natiijada ka soo baxday shirkii Dhuusamareeb 3 ee dhawaan la soo gabagabeeyay.

“Madasho Xisbiyada Qaran waxey soo dhaweyneysaa hannaanka doorashada ee ka soo baxay Dhuusamareeb 3, waxeyna u aragtaa hanaankaasi in uu yahay tallaabo loo qaaday dhinaca saxda ah.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Shirkii Dhuusamreeb ayaa laga soo saaray  war-murtiyeed lagu go’aamiyay nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta, waxaana shirkaas isku af gartay madaxdii ka qayb gashay, balse maamulada Jubbaland iyo Puntland ay ka maqnaayeen, inkastoo ay ka soo horjeesteen natiijadii ka soo baxday shirkaasi

Halkan hoose ka Akhriso warmurtiyeedka