Somali News

Madaxii Ciidanka isku dhafka ee magaalada Gaalkacyo oo caawa la dhaawacay

Gaalkacyo-KNN-Waxaa goor dhoweyd bartamaha magaalada Gaalkacyo lagu weerar madixii Ciidamada isku dhafka ee magaalada Gaalkacyo

Khaliif Nuur Shiil oo ahaa Madaxii howlgalada Ciidamada isku dhafka xasilinta xarunta gobolka mudug ee Gaalkacyo ayaa waxaa dhaawacay kooxo hubaysan, Isaga oo ka soo baxaya masjid kuyaala magaalada Gaalkacyo oo Salaadii taraawiixda uu ku soo dukaday.

Taliyaha ayaa la sheegay in dhaawac daran goobta looga qaaday waxaana loola carar Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo.

Dableydii dhaawacday Taliyaha ayaa goobta iskaga baxsatay, waxaana dadkii kusugnaa halka uu dilku ka dhacay ay noo sheegeen in qeybaha sare ee jirkiisa ay labeegsadeen rasaas labo dhalinyaro ah kuwaas oo bistoolado ku hubeysanaa ka dibna ay u suura gashay in ay goobta iskaga baxsadaan.

Ciidamada amaanka ayaa howlgal xooggan ka wada nawaaxiga goobta uu dilku ka dhacay, iyagoo soo qab qabtay dhalinyaro fara badan, kuwaaso lala xiriiriyay iney wax ka ogaayeen weerarka, waxaana la geeyay Saldhigyada Gaalkacyo.

Khaliif Nuur Shiil ayaa si weyn loogu xasuustaa kaalintii uu ka qaatay xasilinta iyo xaqiijinta amaanka magaalada Gaalkacyo oo colaado sokeeye kasoo kabaneysa.

Ciidamada isku dhafkaa ee uu hoggaaminayay ayaa ka kala socday maamulada Galmudug iyo Puntland, kuwaasi oo sanad ka hor la isku dhafay si xal loogu helo colaad ka taagneed magaalada Gaalkacyo una dhaxeysay maamulada Galmudug iyo Puntland.