Somali News

Madaxii Maaliyadda Al-Shabaab ee Jubbada Hoose oo hawlgal lagu dilay

Muqdisho-KNN-Ciidamada Dawladda Soomaaliya ee sida gaarka u tababaran ee Danab ayaa waxa ay hawlgal ka sameeyeen gobolka Jubbada Hoose.

Hawlgalkan ayaa waxa uu si gaar ah uga sameeyeen Ciidamada Danab deegaanka Koban oo hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbadda Hoose.

Taliyaha Guutada 16aad ee Ciidamada Danab G/le Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin oo uga warbixiyay hawlgalkaasi Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxa uu sheegay in ay ku burburiyeen goobo ay ku dhuumaaleysan jireen Al-Shabaab, iyadoona ay ku dileen madaxii Maaliyadda u qaabilsanaa Al-Shabaab gobolkaasi, kaas oo lagu magacaabo Cali Garweyne iyo Afar dagaalame kale .

Sidoo kale waxa uu sheegay Taliyuhu in ay miinooyinka dhulka lagu aaso ka soo saareen wadada xiriirisa degmada Jamaame iyo Kismaayo, kuwaas oo ay ku Al-Shabaab ku aaseen.

Waxa uu sidoo kale Taliyuhu sheegay in ilaa iyo hadda uu hawlgalku uu socdo isla markaasina ay ku raad joogaan Shabaabka ku sugan deegaannada hoostaga  gobolka Jubbada Hoose.