Somali News

Madaxwaynaha Mareykanka oo xaalad deg deg ah kusoo rogay Tiknoolajiyada Mareykanka.

Muqdisho-KNN-Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa xaalad deg deg ah kusoo rogay Tiknoolijiyada Mareykanka kadib markii uu sheegay in uu ka hortagayo qoolaysato ajaanib ah.

Wareegtadan xaalada deg dega ah ee uu madaxwayne Trump saxiixay ayaa shirkadaha Mareykanka ka mamnuucayso in ay adeegsadaan Tiknoolajadiyaha shisheeye kuwaas oo la’aamin sanyahay in Mareykanka ku hayaan qatar amni .

Wareegtadan ayaana lagu magacaabin wax shirkad ah balse waxaa laruumaysan yahay in uujeedku yahay shirkada Huwaa’Huwaay.  

Wadamo dhawr ah oo ay horboodayso Mareykanka ayaa bilihii u danbeeyay walaac ka muujinayay qaabka ay u shaqayso shirkadda dalka Shiinaha laga leeyahay ee Huwaa’Waay.

Talabaadan uu Mareykanku qaaday ayaa sii hurinaysa xiisada dhanka dhaqaale ee u dhaxaysa wadamada ugu quwada wayn dhanka dhaqaalaha dunida ee Shiinaha iyo Mareykanka.