Somali News

Madaxweyinihii hore ee Puntland oo cafis dalbaday.

Garowe-KNN-Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C-wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Shacabka Puntland waxa uu ka dalbaday in la cafiyo.

Madaxweyne Gaas ayaa shacabka Puntland waxa uu ka dalbaday iney saamaxaan cid kasta oo wax ka tabaneysa mudadii uu ahaa Madaxweynaha Puntland.

“Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland waxaan ka codsanayaa iney i cafiyaan, cid kasta oo dhib iga tabaneysa, waxaan weydiisanayaa Cafis”, ayuu yiri C-wali Maxamed Cali (Gaas).

Halkaan ayuu ka jeediyay xafladii maanta ka dhacday Madaxtooyada Garowe ee Puntland ee uu xilka kula wareegayay Madaxweyne Deni.