Somali News

Madaxweynaha cusub oo la kulmay madaxweynaha xafiiska baneynaya ee Farmaajo

Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Madaxtooyada Waxaa  kulan ay yeeshay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha xafiiska baneynaya Maxamed Cabdillahi Farmaajo.

Labada Mas’uul ayaa kulankooda ugu wada hadlay sida ugu suurta galsan ay u dhici lahayd xil wareejinta xafiiska Madaxweynaha, waxaana  la isla gartay in si degdeg ah loo magacaabo Guddi arintaasi ka shaqeeya, oo uu hoggaamin doono Agaasimaha Madaxtooyada Maxamed Cabdillahi Ciise, sida laga soo xigtay Illo wareedyo madaxtooyda ka tirsan.

Sidoo kale, Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya ayaa haatan degan Hoteel ku dhaw garoonka Aaden Cabdulle, iyadoo la filayo in todobaadka dambe uu u guuro Villa Soomaaliya, halkaas oo lagu qaban doono munaasabad uu xilka si rasmi ah ugala wareegi doono Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.