Somali News

Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Deegaanka Baxdo

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa gaaray deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud oo dhowaan dagaal culus uu dhexmaray Dadka deegaanka iyo Al-shabaab.

Safarka Qoorqoor ayaa waxaa ku wehliya qaar kamid ah Golahiisa Wasiirada, iyaga oo kulamo la yeelan doona qeybaha kala duwan ee Bulshada Baxdo oo dhowaan wajahay Al-shabaab.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in lagu qabto Baxdo markii ugu horaysay shirka golaha wasiirada Galmudug.

Baxdo dagaal bartimaha bishii June ka dhacay ayaa waxaa Al-shabaab looga dilay in ka badan afartan dagaal yahan, waxaana sidoo kale khasaare uu ka soo gaaray dadka rayidka ah ee wajahay.