Somali News

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay qaraxyada lagu soo weeraray isaga iyo mas’uuliyiin kale

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka hadlay weerarka qaraxyada ee dagaalameyaasha Al-shabaab ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen isaga iyo mas’uuliyiin kale oo ku yaalla deegaanka Laas-gacamey ee gobolka Mudug.

“Waan caafimaad qabnaa aniga iyo mas’uuliyiinta ku sugan deegaanka Laas-gacamey, waa la fashiliyay weerarka dhagarta ah ay nagu soo qaadeen” ayuu yiri Axmed Kaariye Qoor qoor.

Sidoo kale, Madaxweyne qoorqoor ayaa sheegay in uusan istaagi doonin dagaalka Al-shabaab looga xorreynayo deegaannada Galmudug.