Somali News

Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay lix masuul

Dhuusamareeb-KNN-Madaxweynaha  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa caawa magacaabay guddoomiyeyaasha Maxkamadaha gobollada Mudug iyo Galgaduud iyo laba xeer Ilaaliye ku xigeenno.

Xubnaha lagu magacaabay wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweyne Qoor Qoor ayaa kala ah.

1-Saciid Cabdiraxmaan Sheekh – Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobalka Galgaduud

2- Maxamed Cabdi Kadiye – Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud.

3-Jimcaale Cali Salaad – Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Mudug.

4- Cabdirisaaq Cali Yusuf – Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Mudug.

5-Cabdullaahi Cali Cumar – Ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee DGM.

6- Cabdixakiin Maxamed Xirsi : Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee DGM.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha ayaa magacaabay xubnahan kaddib markii uu garowsaday Baahida degdega ah ee loo qabo dhisidda hay’adda garsoorka Galmudug, isla markaana tixgeliyay aqoonta iyo waayo aragnimada xubnuhu u leeyihiin arrimaha garsoorka.”