Somali News

Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaarey degmada Warshiiq

Madaxweynaha  Dowlad-gobolleedka Hishabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta socdaal ku tagey degmada Warsheeq ee gobolka Shabeellada Dhexe, kadib maalmo oo uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Safarka  Cali Guudlaawe ayaa waxaa  ku wehliya Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Waxaana degmada Warshiiq ku soo dhoweeyay mas’uuliyiinta iyo qaar kamid ah bulshada degmadaasi.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa dhagax dhigay iskuul ay ku wax baranayaan dadka ku nool degmada Warsheekh, waxaana iskuulka laga dhisayaa xeebta degmada.

Sida ay KNN u sheegeen mas’uuliyiinta degmada,  Madaxweynaha Hirshabelle inta uu ku sugan yahay degmada Warsheekh waxaa  uu kulamo la qaadan doonaa  maamulka iyo  qeybaha kala duwan ee bulshada.