Somali News

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadlay ujeedka safarkiisa Muqdisho

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxeyna aheyd markii ugu horreysay uu soo gaaro magaalada  tan iyo doorashadii uu kusoo baxay ee ka dhacday magaalada Jowhar.

Cali Guudlaawe ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo shir looga hadlo doorashooyinka iyo xalin u helida tabashooyinka laga qabo guddiga doorashooyinka.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa mar uu warbaahinta la hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in kulamo uu la qaadan doono qeybaha kala duwan ee bulashada, isagoona si kooban u faahfaahiyay ujeedka uu u yimid magaalada Muqdisho.