Somali News

Madaxweynaha Jabuuti oo galab ka ambabaxay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta sagootiyay Garoonka Aadan Cabdulle Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi ballaaran oo ku wehliyay safarkiisa.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa inta uu maanta ka ambabixin Magaalada Muqdisho, waxaa uu xariga ka jaray dhismaha cusub ee safaarada jabuuti ay ku leedahay soomaaliya, gaar ahaan Soomaaliya.