Somali News

Madaxweynaha Jabuuti oo khudbad u jeediyay Xildhibaanada labada Gole ee BS.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta khudbad u jeediyay  xildhibaanada labada golle ee Baarlamaanka dowladda Soomaaliya, kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa uu ka dhacay xarunta Jeneraal Kaahiye ee degmada Xamar Jajab ee Gobalka Banaadir.

Madaxweynaha dalka Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbadiisa dhinacyo badan taabanaysay ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada soomaaliya xilligan ay marayso iyo dhibaatooyinka ay ka soo gudubtay.

Madaxweyne  Geelle ayaa sheegay in dalka Soomaaliya mudo uu ku jiro dagaala sokeeye, Balse shacabka Soomaaliyeed aysan weli ogeyn waxyaabaha ay isku dilayaan dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha waxaa uu xusay in dhulka Soomaaliyeed uu Eebe ku maneystay Kheyraad balse dadka Soomaaliyeed aysan ogeyn, taas oo keentay in mudada intaas la eg ay wada dagaalamaan.

Ugu dambeynta Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ka dalbaday Madaxweynaha dalka Jabuuti  in ay ka shaqeeyaan horumarka Soomaaliya.