Somali News

Madaxweynaha Jabuuti oo QM geeyay hardanka kursiga ay isku hayaan Jabuuti iyo Kenya

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dalalka xubnaha ka ah golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ka codsaday in ay dalkiisa ku taageeraan tartanka kursiga aan joogtada ahayn ee lagu matalayo Afrika.

Madaxweyne Ismaaciil ayaa qeyb ka mid ah khudbaddiisa uu ka jeedinayay shir madaxeedka golaha loo dhan yahay ee qaramada Midoobay kusoo qaatay sida ay Jabuuti ugu baahan tahay in ay hanato kursigaas, inkastoo ay loollan adag kala kulmeyso dowadda Kenya.

“Mudane madaxweyne kulanka 74-aad ee uu golaha loo dhan yahay yeelan doono bisha June ee sanadka 2020-ka waxaa lagu dooran doonaa shanta dal ee xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka, kuwaas oo shaqeyn doona muddada u dhaxeysa 2021-ka ilaa 2022-ka, mid ka mid ah kuraastaas waxaa loo qoondeeyay qaaradda Afrika, markanna sida ay qaaraddu isku afgaratay, waxaa kursigaas buuxin doona wadan ku yaalla bariga Afrika”, ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Isagoo sii hadlayay ayuu yiri, “Sida uu dhigayo xeerka midowga Afrika, shaki kuma jiro in Jabuuti ay ka mid tahay musharraxiinta ururka ugu matalaya tartanka kursigaas golaha amaanka, muddada 2021-ka ilaa 2022-ka, xeerka wuxuu dhigayaa in waddan kasta oo ku yaalla qaaradda Afrika, ha yaraado ama ha weynaado in uu u tartami karo qabashada kursigaas, dowladda Jabuuti waxay si xushmad leh ugu baaqeysaa dhammaan dalalka xubnaha ka ah golaha in ay taageeraan musharraxnimada Jabuuti ee kursiga golaha amniga” ayuu yiri madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Hadalka Madaxweyne Geelle ayaa muujiyay sida ay Jabuuti uga go’antahay inaysan Kenya uga tanaasulin tartankaas, iyadoo inta badan shacabka reer Jabuuti ay hadalka madaxweyne Ismaaciil uga qanceen walaac ay ka qabeen in Jabuuti ay kursigaas u daynayso Kenya, kaddib markii baraha bulshada siyaabo kala duwan loogu falanqeynayay maalmihii u dambeyay kulan magaalada New York ku dhexmaray Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Kenya Geelle iyo Uhuru.