Somali News

Madaxweynaha Jubbaland oo ku dhowaaqay dagaal wadajir oo ka dhan ah Al-shabaab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Ahmed Mohamed Islaam ayaa ku dhowaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab, kaasi oo looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin maamulkasi.

Axmed Madoobe ayaa maanta booqsho u tagey furimaha hore oo ay ku sugan Ciidamada darawiishta Jubaland, si uula qeybsado farxadda maalmaha ciida.

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay cutubyo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland ayaa sheegay in Dowladd Federaalka iyo maamulkiisaba ay iska garabsanayaan howlgallo wadajir ah, si loo xorreeyo deegaannada maqan.

Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa muddo sanado ah gacanta ku haya deegaanno badan oo ka tirsan saddexda Gobol ee Jubbaland, gaar ahaan Gobolka Jubbada Dhexe oo ay degmooyin badan haystaan.