Somali News

Madaxweynaha Kenya oo soo gaaray Muqdisho

Magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka diyaadaraha waxaa kasoo degay wefdi uu hogaaminayo madaxweynaha Kenya Uhuuro Kenyatta, si uu ugu qeyb galo munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa garoonka ku soo dhaeeyay wafdiga ka yimid Kenya.