Somali News

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo aan ka qeybgali doonin shirka Qaramada Midoobey

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaanan ka qeybgeli doonin shirka guud ee Qaramada Midoobey dabayaaqadan bishan ka dhacaya magaalada New York.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in sababta ay tahay inuu diiradda saarayo xal u helidda dhibaatooyinka iyo qalalaasaha ka dhashay in la beegsado dadka ajaaniibta ah ee ku sugan dalkaas iyo weerarada lagu hayo dumarka.

Ramaphosa “Waxaa uu go’aansaday in uusan ka tegin dalka si uu Koonfur Afrika uga dhaqan geliyo tallaabooyinka deg deg ah ee dib loogu soo celinayo xasiloonida deegaanada ay saameeyeen rabshadaha si dhaqaalaha loo xoojiyo” ayay tiri afahayeen u hadashay madaxweynaha.

In kasta oo ay Koonfur Afrika ka taagnaayeen weeraro lagu beegsanayo dadka ajaanibta haddana waxaa jiraa dhacdooyinka kufsi iyo tacaddiyo loo geysanayo dumarka dalkaas.

Madaxweyne Ramaphosa waxaa uu ballan qaaday inuu dhibaatooyinka uu wax ka qaban doono si gacan bir ah loogu qabto dambiilayaasha dhibaatooyinkaas ka dambeeyo.

Khamiistii, warbixin lasoo saaray waxay muujineysay inay sare u kaceen dambiyada la xiriira tacadiyadda galmada iyo dilalka sannadkii lasoo dhaafay